Kenya Oo Bilyaneerka Shiinaha U Dhashay Ee Jack Ma Ka Heshay Qalab Loo Adeegsado COVID-19

Nairobi, (HCTV) – Dalka Kenya oo ka mid ah 43dal oo Afrika ku yaala oo laga helay caabuqa xanuunka coronavirus ayaa qalabka lagu baadho xanuunkaasi iyo marada lagaga hortago ee afka iyo sanka lagu xidho ka helay aasaasaha shirkadda Ali Baba ee dalka Shiinaha Mr Jack Ma oo ugu deegay qalabkaasi 54 dal oo Afrika ah.

Qalabkan uu Bilyaneerka Shiinuhu ugu deeqay dalka Kenya oo ay ka mid yihiin 100,000 oo marada afka iyo sanka lagu xidho ah ayaa 20,000 oo qalabka lagu baadho xanuunkaasi ah ayaa maanta diyaaradii siday ay ka soo dagtay garoonka diyaarada ee Jomo Kenyatta, waxaana laga gudoomay Safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Kenya Meles Alem oo uu ka gudoomay Agaasimaha caafimaadka Dr Patrick Amoth.

Waxaanu Patrick Amoth uu sheegay in deeqdan sida ugu dhakhsaha badan loo qaybin doono si kor loogu qaado awoodda wax ka caqabashada xanuunka coronavirus.

Xanuunka Coronavirus oo saamayn weyn ku yeeshay caalamka ayaa wakhti xaadirkan waxa lagu soo waramayaa in dalalka Afrika uu saameeyey ku dhawaad 43 dal kuwaas oo kiisaska cudurkaasi la xaqiijiyeyna ay gaadhayaan 1,872 kiis halka dhimashadu ay tahay 50 qof oo kaliya.

Deeqda Bilyaneerkan ayaa waxa hore loo gaadhsiiyey dalalka Ethiopia iyo Rwanda, waxaana la gaadhsiin doonaa dalalka kale ee ku yaala qaarada Afrika.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.