Soomaaliya: Qofkii labaad oo Laga Helay Coronavirus

Muqdisho (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaaku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus, ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay qofkaas.

Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaali ah oo ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo lagu hayay xarun karantiil.

16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantiilay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka