COVID-19: Ciidamada Dab-Damiska Ethiopia Oo Bilaabay Nadiifinta Caasimada

Addis Ababa, (HCTV) – Ciidamada dab-damiska dalka Ethiopia ayaa bilaabay nadiifinta caasimada dalkaasi ee Addis Ababa si ay hoos ugu dhigaan inuu fido cudurka coronavirus.

Dedaaladan kor loogu qaadayo nadaafada ayaa waxa isku soo dubariday saraakiisha Dawladda Hoose ee magaalada Addis Ababa, kuwaas oo 90 gaadiidka Dab-damiska ah soo dhoobay wadooyinka kala duwan ee caasimada dalka Ethiopia si ay u nadiifiyaan.

Eyes Solomon, oo ah sarkaal ka tirsan masuuliyiinta magaalada, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Ethiopia “waxaanu ku dayaynaa inaanu ka hortagno fiditaanka coronavirus iyo in aanu kor u qaadno ogaanshaha dadweynaha ee cudurkan aadka u faafaya.”

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Ethiopia ayaa xaqiijiyey 19 kiis oo cudurka COVID-19 ah, balse waxay walaac ka muujiyeen u hoggaansanaan la’aanta dadweynaha ee tallaabooyinka bahda caafimaadka.

Mohammed Amanu, oo ah ganacsade ku sugan Merkato, oo ah suuqa ugu weyn ee caasimadda, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu in dad badan oo yimaada suuqa ay gacmahooda maydhaan, oo ay u hoggaansamaan talooyinka in kasta oo dadaal ballaadhan laga wado ka hortagga cudurkan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.