Qof Looga Shakisnaa Covid_19 Oo Garoowe Ku Geeriyooday

Garoowe (HCTV) –Nin Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland ugu karantimaysnaa shaki laga qabay inuu qabo Xanuunka Covid_19 ayaa Geeriyooday.

Sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Masuuliyiinta Puntland, kuwaasi oo sheegay in laga cabsi qabo in Ninkaasi u Geeriyooday Covid_19, laakiin ku simaha agaasimaha Cisbitaalka guud ee Garoowe Mohamud Abdirashid oo isaguna xaqiijiyey Geerida Ninkan ayaan isagu Geeridiisa ku xidhiidhin Xanuunka Safmarka ah ee Xilligan dunidu la dagaalamayso.

Ninkan dhintay oo maalmihii u dambeeyay ku karantimaysnaa Garoowe, ayaa markii hore ka yimi dalka Itoobiya.

Dr. Abdirashid ayaa sheegay inay illaa hadda sugayaan Natiijada baadhitaan lagu sameeyay Ninka Geeriyooday Maanta, kaasi oo ay hore u direen.

Ninkan oo ka yimid Itoobiya ayaa la karantiilay markii la arkay in Xummaddiisu badan tahay, leeyahayna Qufac, calaamadahaas oo xidhiidh la leh Coronavirus.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka