Millateriga Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Al-shabaab Ka Dileen 142 Dagaalyahan

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada xoogga dlka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dilen 142 Askari oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab.

Ciidammada ayaa sheegay inay 142 Askari Al-shabaab ka dileen intuu socday hawl-gal ay Ciidammadu ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.
Hawl-galkan oo bilaabmay 18-kii bishan dhamamaanaysa ee March ayaa Al-shabaab lagaga qabsaday Magaalada muhiimka ah ee Beeraha qaniga ku ah ee Jannaale, taasi oo u taalla Gobolka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Col. Osman Shabel oo ah Afhayeenka Millatariga ah ayaa Warbaahinta u sheegay in sidoo kale ay Al-shabaab ka dhawaaceen 28 askari, Noloshana kaga qabteen 18 kale.

“Intii uu socday hawl-galku , waxaanu xorraynay Jannaale iyo tuulooyin badan oo Gobolka Shabeelaha hoose ah..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan wax dhibaato ahi hawl-galkaa ka soo gaadhin Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Janaale, waa Magaalo Beereed 95Km koonfur-galbeed kaga beegan Caasimadda Muqdisho, waxaana intaan lagala wareegin sanado badan maamulaysay Al-shabaab.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka