Somaliland oo Sheegtay In La Hayo Saddex Qof Oo Looga shakisan Yahay Coronavirus

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ilaa hadda ay gacanta ku hayaan saddex qof oo looga shakisan yahay Corona Virus.

Saddexda qof ayaa laga qaaday Shaybaadh waana la sugayaa jawaabta, kuwaasi oo uu midkood yahay Shiine.

Saddexda Qof ayaa Guddigu sheegtay in lagu hayo Degmada Lawyacaddo ee Gobolka Selel ee Somaliland, isla-markaana ay ka yimaaddeen dalka Jabuuti

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Saxaafadda kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Innaga saddex Qof baa laga shakisan yahay, kuwaasi oo midkooda u dhashay dalka Shiinaha, saddexdaana waa laga qaaday dheecaankii waana la diray, marka uu natiijadu soo noqoto ayuun baa la odhan karaa qofkaasi wuu qabaa ama ma qabo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka