Coronavirus: Hindiya Oo Tareennadii Shaqada Laga Joojiyey Ka dhigaysa Cisbitaallo Ku Meel-gaadh Ah

Hindia (HCTV) – Dawladda Hindiya ayaa Tareennadii laga joojiyey inay Dadka u kala daabulaan Magaalooyinka dalkaasi, waxay si ku meel-gaadh ah uga dhigtay Waadhadh loogu talo-galay in la dhigo Dadka uu ku dhaco Xanuunka dunida faraha baas ku haya ee Covid_19.

Diyaar-garowga caynkaas ah ayaa waxa keenay Cabsi laga qabo in hanaanka Caafimaad ee dalka Hindiya uu qaabili kari waayo Bukaannada Caabuqa Coronavirus, sida uu sheegay Wargeyska The National oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Waaxda Maamusha Tareennada ee Dalka Hindiya ayaa sheegtay inay dib u habayn ku samayn doonto Daraasiin Tareennadii fadhiistay ah, si looga dhigo Cisbitaallo Maxali ah, kuwaasi oo qaarkood looga faa’idaysanayo in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Covid_19.

Hawlihii Tareennadu hayeen ee Daabulidda Dadweynaha Dalka Hindiya u kala gooshaya ayaa la joojiyey muddo 21 Maalmood ah, si looga hor tago Faafidda Cudurka Covid_19, sidaasi darteed Dawladda ayaa doonaysa inay muddadaa si kale uga faa’idaysato Tareennadii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka