Dalalka Urur Goboleedka IGAD Oo Shir Ka Yeeshay Khatarta Coronavirus

Jabuuti, (HCTV) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa isagoo Muqdisho ku sugan khadka Internetka kaga qaybgalay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD.

Shirka ay yeesheen madaxa Urur Goboleedkaasi ayay kaga arrinsadeen khatarta cudurka coronavirus, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia:-

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku xiriireen mareego gaar ah oo internetka ah (Video-conference) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD xaaladda badqabka caafimaad ee dalka, halista muuqata ee ka dhalan karta cudurka Koroonaha iyo baahiyaha qalabka caafimaad ee muhiimka u ah daryeelka bukaannada cudurkaas.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolka lagu garab istaago dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo xakameynta cudurka Koroonaha, sidoo kale waxa ay isla qaateen in lagu dhiirri geliyo xirfadleyaasha caafimaad ee ka soo jeeda dalalka IGAD ee ku sugan qurbaha in ay ka qeyb qaataan samata-bixinta dadkooda.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen in la sameeyo qorshaha isku-dubaridka iyo xoojinta iskaashiga dhammaan wadamada IGAD ay kaga hortagayaan cudurka Koroona, iyada oo la is-dhaafsanayo khibradaha, qorsheyaasha wacyi-gelineed iyo guud ahaan xogta ku saabsan cudurkan.

Madaxda iyo Hoggaamiyeyaasha ka qeyb galay shirkan ayaa diiradda saaray hannaanka loo aasaasi lahaa sanduuq dhaqaale oo heer IGAD ah, kaas oo wax lagaga qabto xaaladaha deg-degga ah ee la soo gudboonaada dalalalka Gobolka.

Shirkan deg-degga ah ee IGAD waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyna dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Raiisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuro Kenyatta, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Mudane Riek Machar, Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamdook, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Musaveni iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebyehu.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.