Degdeg: Somaliland Oo Shaacisay Laba Qof Oo Laga Helay Coronavirus

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaacisay in laba qof laga helay xanuunka coronavirus, sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Labadan qof ee laga helay caabuqa xanuunka coronavirus ee Somaliland oo ah laba qof oo ku kala sugan yihiin magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo goor dhaweyd ay qabteen masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland, gaar ahaana Wasiirka Wasaaradaasi Cumar Cali Cabdilaahi kaas oo tilmaamay in laba qof ee qaba xanuunka Coronavirus lagu ogaaday kadib markii baadhitaan lagu sameeyey.

https://www.facebook.com/HornCableTv/videos/3410291152319337/

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.