Ethiopia Oo Dib U Dhigtay Doorashooyinka Guud Coronavirus Oo Fidaya Darteed

Addis Ababa, (HCTV) – Ethiopia ayaa dib u dhigtay doorashooyinka Baarlamaanka iyo ta Madaxtooyada oo qorshaysnayd in la qabto bisha August ee sanadkan xanuunka Coronavirus oo ku fidaya dalkaasi awgeed, sida ay ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka dalkaasi.

Codbixinta bisha August ayaa loo arkayey tijaabo muhiim u ah ajandayaasha isbadalada Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Dalkan Ethiopia ayaa mar ahaa wadanka ugu adadag dalalka qaarada Afrika marka laga hadlayo xoriyadaha iyo dhaqdhaqaaqyada mucaaridka ah.

Dalka Ethiopia oo ah wadanka labaad ee ugu shacabka badan qaaradan ayaa la xaqiijiyey 25 kiis oo xanuunka COVID-19.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.