Somalia: Qof Hore Looga Helay coronavirus Oo Ka Bogsaday

HomeSomali News

Somalia: Qof Hore Looga Helay coronavirus Oo Ka Bogsaday

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Qaadacay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Loo Ansixiyay
Guddoomiyihii Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Qarax Lagu Dilay
Al-jeeriya: Madaxweyne Ku Meel-gaadh Ah Oo La Doortay
Golaha Midowga Musharrixiinta Somalia Oo Beesha Caalamka U Diray Qoraal Ay Kaga Walaacsan Yihiin Nidaamka Dawladdu U Wado Doorashooyin Qabsooma
12 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Ciraaq

Muqdisho, (HCTV) – Hal bukaan oo laga helay cudurka ‘COVID-19’ ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka ayaa ku taliyay in Axmed Yuusuf Yaasiin laga sii daayo isbitaal ay maamusho UN-ka Muqdisho ka dib markii laga waayay cudurka isagoo lagu sameyay laba baaritaan oo isku xigay.

Waxaa sidoo kale agaasimuhu xusay in seddex bukaan oo kale oo laga baaray lagana waayay cudurka lagasii daayo isbitaalka Amisom.

Saddexda qof ee cudurka laga waayay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdicasiis Cabdirisaaq Cusmaan, Ducaale Jaamac Maxamuud iyo Ibraahim Maxamed Yaasiin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS