Soomaaliya Oo Sheegtay In Ethiopian Airlines Aanay Fasax Uga Qaadan Imaanshiyaha Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diyaaradda Ethiopian Airlines safarrada ay ku timaaddo Magaalada Hargeysa iyaga wax fasax ah uga haysanin.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) ayaa kiis gaar ah ku tilmaamay Safarrada ay Diyaaradda Ethiopian Airlines ku timaaddo magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Ogolaansho aan siinay diyaaradda Ethiopian Airlines ma jirto, ku meel gaadh ama fasax caadi ah toona.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Ethiopian Airlines hadda waxay ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaadda dalka dibediisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarrada diyaaraddaas waa xaalad gooni ah.”

Wasiir Oomaar wuxuu sheegay inay Fasax siiyaan diyaaradaha gargaarka Caafimaad keena Magaalada Hargeysa ay iyaga fasax ka qaataan, laakiin Ethiopian Airlines aanay iyaga fasax ka haysanin “Waxaa jira diyaarado kale oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo anaga fasax naga haysta, kuwaas oo ka dega magaalada Hargeysa”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka