Sucuudi Carabiya Oo $10 Milyan Ku Taageertay WHO Si Loola Dagaalamo Cudurka Faafaya Ee COVID-19

Riyad, (HCTV) – Ururka gargaarka bani’aadanimo ee Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman (KSRelief) ayaa qalinka ku duugtay heshiis $10 Milyan oo dollar ah oo lagu taageerayo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHC si loola dagaalamo xanuunka sida aadka ah u fidaya ee coronavirus.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dalka Sucuudiga ee (SPA) oo soo xiganaysa la-taliyaha dhinaca sharciga ee ururkaasi Dr Abdullah bin Abdulaziz Al-Rabeeah ayaa sheegay in mucaawinadan $10 Milyan ah ay ku taakulaynayaan la dagaalanka cudurka coronavirus.

“Deeqdan oo ah $10 milyan oo doolar si looga hortago faafidda coronavirus waxay muujinaysaa sida boqortooyadu u danaynayso inay dhaqaale ku bixiso adeegyada arrimaha bini’aadanimo, iyadoo iskaashi buuxa la sameynaysa Qaramada Midoobay, hay’adaheeda, ururada iyo bulshada caalamka si loo gaadho waxkasta oo u wanaagsan bini’aadamka. ”

Wakiilka Ururka ee Sucuudiga, Dr. Ibrahim Al-Zeeq, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray sidaasi ku sheegay ka dib markii heshiiskaasi lagu saxeexay Riyadh, waxaanu tilmaamay in lacagtaasi ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha qaran ee lagaga jawaabayo faafida COVID-19.

Al-Zeeq wuxuu tilmaamay in ururka KSRelief ay iibsan doonto qalab ka hortag ah oo loogu talaglay shaqaalaha qaybta caafimaadka isla markaana ay maalgashi ku sameyn doonto sheybaadhka iyo tijaabooyinka lagu ogaanayo cudurada, isagoo tilmaamay in deeqdaas sidoo kale lagu jiheyn doono taageerida dadaallada cilmiyeed ee ku wajahan soosaarida tallaalka ama iibsashada daawo si loo daweeyo cudurka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.