AFRIKA: Dal La Daalaa-dhacaya Malaariya, Jadeeco, Shuban-biyood, Corona iyo Ebola

Congo (HCTV) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ayaa sheegtay in dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu deg-deg ugu baahan yahay gargaar caafimaad, waa haddii la doonayo in la badbaadiyo mustaqbalka dhallaanka waddankaasi.

Dalkaasi baaxadda weyn, isla-markaana ay colaadda ragaadisay ayaa la tacaalaya shan xanuun oo dilaa ah, kuwaasoo kala ah: Malaariyo, Jadeeco, Shuban-biyood, Fayraska Corona iyo Ebola.

Sanadkii la soo dhaafay, 16.5 milyan oo kiis oo malaariya ah ayaa laga diiwaangeliyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Waxaa sidoo kale ka dilaacay jadeecadii ugu darneyd taariikhda waddankaasi taasoo dishay kumannaan ah Carruurta da’doodu ka yartahay shan jirka.

Shuban-biyood dalkaasi ka dilaacay ayaa la sheegay in sanadkii tegay uu ku dhacay dad ka badan 30,000 oo qof.

Dowladda Kinshasa ayaa isku dayaysa inay xakameyso cudurka Ebola oo kiisas ka mid ah laga soo sheegay bariga dalkaasi, halkaasi oo ay ka dagaallamaan dhowr maleeshiyo, ayna ka barakaceen milyan qof.

Waxaa haatan ku soo biiray xanuunka caalamka la degay ee Covid-19 kaasoo kiisas ka mid ah lagu arkay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Waxaa jirta cabsi ah in haddii uu dalkaasi ku faafo ay xaaladda faraha ka bixi karto.

Hay’adda Unicef ayaa ugu baaqday dowladda dalkaasi qaniga ku ah macdanta inay lacag dheeraad ah u qoondeyso hannaanka daryeelka caafimaad ee sii liicaya.

Waxa ay ka digtay in haddii sidaa la sameyn waayo ay carruur badan u dhiman doonaan cudurro laga hortegi karo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka