Kenya: Dadka Uu Haleelay Coronavirus Oo Gaadhay 158 Qof

Nairobi, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tirada kiisaska dadka uu haleelay caabuqa cudurka Coronavirus ee dalka Kenya ay gaadhay 158 qof, kadib markii maanta oo bishu ay ahayd April 6 ay ku biirtay 16 qof oo kale.

Madaxweynaha dalka Kenya oo Isniintii maanta khudbad u jeediyey shacabka dalkiisa, iyo in dawladdiisu ay sii wadayso la dagaalanka Fayraskaasi ayaa tilmaamay in tirada dhimashadu ay ilaa hadda marayso Lix qof, halka tirada dadka ka soo kabtayna ay Afar qof yihiin.

“Waxaanu samaynaynaa wax kasta oo awoodayada ah, si aanu xanuunku ugu faafin dalka Kenya,” ayuu yidhi Madaxweyne Kenyatta.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.