Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Sheegtay Inaanay Waxba Ka Ogayn Xidhiga Agaasimaheeda Maaliyadda

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowiyo Abiikar, ayaa sheegtay in aysan macluumaad ka haynin xariga agaasimihii maamulka iyo maaliyadda waaaradda Caafimaadka, Maxamuud Maxamed Buule, kaasoo la xiray afartii bishaan Abril.

Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in aan wasaaraddeeda loosoo gudbin sababta agaasimaha loo xiray agaasimahooda, inkastoo ay tilmaamtay inuu socdo baaritaano badan.

Waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay hay’addaha gacanta ku haya kiiska agaasimaha kala shaqeyso wixii macluumaad oo looga baahdo.

Xariga agaasimaha, waxaa lala xiriirinayaa arimo musuq maasuqa maaliyaddeed ah, sida aan kasoo xiganay ilo katirsan dowladda, Balse hay’adda soo xiray weli kama aysan hadlin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.