COVID_19: Raysal-wasaaraha Ingiriiska Oo Xaaladdiisa Caafimaad Ka Sii Dartay

London (HCTV) – Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo Shalay la dhigay Cisbitaal ku yaalla London, ayaa loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus ee cisbitaalka, ka dib markii astaamahii xanuunka ‘coronavirus’ ee lagu arkay ay ka sii dareen.

Sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Looga Arrimo Ingiriiska ee Downing Street.

Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla-markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad.

Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibedda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah.

Raysal-wasaraha oo da’diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona.

Boqoradda ayaa si taako taako ah loola socodsiinayay hadba halka ay marayso xaaladda Mr Johnson sida laga soo xigtay aqalka boqortooyada UK ee Buckingham Palace.

Wariyaha arrimaha siyaasadda ee BBC-da Chris Mason ayaa sheegay in raisul wasaaraha lagu xidhay Ogsajiin Shalay intii aan loo wareejin qaybta daryeelka xaaladaha culus.

Qoraal ka so baxay aqalka boqortooyada ayaa lagu sheegay: “Gelinkii dambe ee isniinta xaaladda Raiisul wasaaraha ayaa ka sii dartay waxaana kooxdiisa caafimaadku ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka culus ee Cisbitaalka.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka