Boqorkii Cuudka Xudeydi Oo Coronavirus Ugu Geeriyooday Dalka Ingiriiska

Hargeysa, (HCTV) – Alla ha U Naxariistee Waxa Xalay ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska, Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen (Xudeydi).

Xudaydi ayaa ahaa Miisigayste aad loogu yaqaanay tumida Kamanka, waxaana wararka ka minaya dalka Ingiriisku ay sheegayaan in Xudaydi u geeriyooday Cudurka Adduunka Faraha Baas ku haya ee Corona Firus.

Waxaanay Axmed Ismaaciil Xuseen Xudaydi ay da’diisu ahayd 92 jir, waxaana lagu aasi doona magaalada London.

Dhamaan Bahda HCTV waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraya Qoyskiisii, Qaraabaddii Ehelkii, Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo Dhamaanba Soomaalida inuu Samir iyo Iimaan ka Siiyo, Marxuumkana uu janatul Fardowsa Ka Waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.