Madaxweynaha Soomaaliya Oo Caafimaad U Rajeeyay Raysal Wasaaraha UK

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay raysal Wasaaraha UK, Boris Johnson oo la xanuunsanaya cudurka safmarka ah ee Coronavirius.

Boris Johnson, ayaa lagu dabiibayaa isbitaal kuyaala London, isagoo ku jira qeyta daryeelka degdega ah, inkastoo wararku sheegayaan in xaaladdiisa ay kasoo raysanayo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay dawladda Soomaaliya iyo dadkeeduba  ay garab taagan yihiin raysal wasaaraha iyo dadka Ingiriiska waqtigaan adag ee lagu jiro.

“Waxaan ku ducaysanaynaa in aan u helno xal caqabadaha Coronavirus ku keenay dunida,” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE0KA.