Cisbitaalka Erdogan EX-Digfeer Oo Shaqadii Joojiyay

Muqdisho, (HCTV) – Cisbitaalka Erdogan EX-digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba joojiyay howlahii caafimaad ee uu u yahay bulshada Soomaaliyeed, sida lagasoo xigtay masuuliyiinta gacanta ku haaysa, shaqo joojinta cisbitaalka ayaa bilaabaneysa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegantahay 11-April-2020-ka, waxaana dib loo furayaa 31-May-2020-ka.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Cisbitalkaasi uu qeyb ka noqon doono goobaha caafimaad ee lagula tacaalayo bukaannada uu soo ritay xanuunka COVID-19 oo hadda 21 kiis laga helay Soomaaliya, sidoo kale warka ayaa intaa ku daraya in  Cisbitaalka Sheikh Zeyed ee ku yaalla degmada Cabdicasiis uu isna kamid noqon doono xarumaha loo adeegsan doono in bukaannada qaba Coronavirus lagu dabiibo, maadaama labadaan goob ay leeyihiin mashiinnada naqaska ka saacida bukaannada.

Sidoo kale laba kamid ah shaqaalaha Cisbitaalka Erdogan EX-digfeer ayaa waxaa lagusoo warramayaa in laga helay laba kiis oo ah xanuunka COVID-19, wallow aysan si rasmi ah u xaqiijin wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka dalka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay iney kordhaan dadka qaadaya bushiga Coronavirus, sida Raadiyaha maxalliga ah ee Kulmiye uu u sheegay wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi , waxa uuna uu bulshada ugu baaqay in la qaato talooyinka ay bixinayaan khuburada caafimaadka, ciddii isku aragtana calaamadaha lagu garto xanuunkan ay lasoo xiriirto wasaaradda.

Soomaaliya oo ah dal ku yaalla geeska Afrika, waxa uu hadda ka kabanayaa colaado muddo dheer soo jiray, dowladdana awood badan uma laha iney si dhab ula tacaasho haddii xanuunkan uu aad u faafo, marka loo eego taakta iyo khibradda labadaba.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.