Dhakhtarkii 100-aad Oo Talyaaniga Ugu Dhintay Covid_19

Italy (HCTV) – Dhakhaatiir asalkoodu Carab yahay ayaa Talyaaniga ugu Geeriyooday xanuunka dunida dhibaatada ku haya ee Covid_19.

Dhakhaatiirta Xanuunka u dhintay iyagoo oo safka hore kaga jira la dagaalankiisa ayaa waxa ka mid ah Samar Sinjab oo 62 jir ahayd.

Samar Sinjab waxay ku dhalay Caasimadda Suuriya oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedo, laakiin illaa sannadkii 1994-kii waxay ku noolayd Waqooyi-bari Gobolka Veneto.

Haweenaydan ayaa xanuunka ka qaadday Qof bukaan ahaan, waxayna Geeriyootay ka dib, laba Toddobaad ay ku jirto qaybta gargaarka deg-degga ah ee Cisbitaalka.

Haweenaydan ayaa shaqaynaysay ilaa Maalmaheedii nolosha ugu dambeeyay, ilaa uu soo ritay xanuunku, sida laga soo xigtay Wargeyska the Corriere della Ser oo soo xiganaya Farriimo ay Whatsupp ugu dirtay mid mid ah Dadkii Xanuunka qabay ee ay u adeegaysay.

Haweenaydan ayaa noqonaysa Dhakhtarkii Boqolaad ee Talyaaniga ugu Geeriyooda xanuunka Covid_19, isagoo safka hore kaga jira la dagaalankiisa.

Talyaaniga waxa xanuunka qaaday 143000, waxaana u Geeriyooday 18,000, waxaana dadka xanuunka qaaday ka mid ah 8000 kun oo dhakhtar, kuwaasi oo 100 ka mid ahi dhinteen, sida laga soo xigtay Mac-hadka Qaran ee Talyaaniga u qaabilsan Caafimaadka.

Samar Sinjab ayaa ahayd Muslimad, waxaana lagu tukaday Salaatu-jinaasa’

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka