Magaalooyinka Waaweyn EeTurkiga Oo Bandoo Lagu Soo Rogay Mudo 48 Saacadood Ah

Istanbul, (HCTV) – Magaalooyin Farabadan oo ku yaala dalka Turkiga ayaa lagu soo rogay bandoo la iskuma baxaan ah mudo 48 saacadood ah oo ka bilaabmaysay saqbadhka caawa.

Talaabadan ayaa ah mid lagu doonayo in lagula dagaalamo xanuunka sida xawliga ah u faafaya ee Coronavirus, xiligan oo heerka dhimashada dalka Turkigu ay sii cago-cagaynayso 1,000.

Bandoogan ayaa la filayaa inay saamayso isku socoda 31 gobol oo ku kala yaala dalka Turkiga, waxaana amar lagu bixiyey in da’da u dhaxaysa 20 jir ilaa 65 ay guryaha joogaan.

Dadweynaha dalkaasi ayaa gabi ahaanba aan loo ogolayn inay dibada u soo baxaan marka laga reebo mararka ay arimaha muhiimka ah ay u soo doonanayaan dibada, waxaanay bandoogani ay xataa saamaynaysa Istanbul iyo Ankara.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.