Wasiir Ka Tirsan Hirshabeelle Oo Laga Helay Xanuunka COVID-19

Muqdisho, (HCTV) – Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle, ahna Xildhabaan ka tirsan Baarlamanka Maamulkaasi Khaliif Muumin Tooxow ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka COVID-19 , sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Somalia ayaa sheegay in baaritaan la sugayay natiijadiisa dhowr saacadood,  kadib la xaqiijiyay in Wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle uu hayo Xanuunka COVID0-19. Waxa uuna sidoo kale uu qeexay in hadda Hirshabeelle uu ka jiro walaac xooggan, maadaama Wasiirkan xanuunsanaya uu muddo ku jiranaa Hotel-kii uu ka deganaa Jowhar, sidoo kalena ay jiri karaan dad uu la macaamiilay.

Dhinaca kale Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa xaqiijiyay in hadda laga saaray Khaliif Muumin Tooxow , qeybta lagu hayo dadka laga shakisanyahay ee Cisbitaalka Martiini, loona gudbiyay halka lagu dabiibayo bukaannada la xanuunsanayo Coronavirus .

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday Dowlad- Goboleedkii ugu horreeyay ee lagasoo wariyo xanuunka COVID-19,  Wararka ka imaanaya Jowhar-na waxey sheegayaan in xubno sare iyo Xildhibaannada halkaasi jooga ay badi  iyagu is karaantiileen .

Marka laga yimaado Warkaan kasoo baxay Masuuliyiinta Hirshabeelle , Ma jiro illaa iyo hadda war kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya oo lagu xaqijinayo xaaladdaan cusub ee soo korortay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.