Guddida Ka Hortaga Coronavirus Ee Somaliland Oo Ka Hadlay 20 Qof Oo Shaybaadhkooda Loo Diray Dibada

Hargeysa, (HCTV) – “Xanuunkani Somaliland wuu ku jiraa, kiisas hore oo Positive ah sida Wasaarada Caafimaadku horeba u sheegtay waa la helay, hadana 20 qof ayaa maqan natiijadoodii oo aanu filaynaa in la keeno, waxa cadayn doona marka ay ina soo gaadho Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiirteed ayaa cadayn doona. Laakiin waxaanu sheegi karnaa inay maqan yihiin arintaasi,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.