Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshaballe Oo Muqdisho Ugu Geeriyooday Coronavirus

Muqdisho, (HCTV) – Wasiiru dowlihii Wasaaradda cadaaladda Maamulka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta xanuunka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dhimashadiisa ayaa waxaa qaar ka mid ah warbaahinta Somalia u  xaqiijiyay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle Amb:- Cabdikhaadir Cabdulle Xooshow.

Marxuumka ayaa kamid ahaa labo bukaan oo ay wasaaradda caafimaadku sheegtay inay xaaladooda aad u liidato.

Dhowr maalin kahor ayaa la dhigay isbitaalka, isagoo kamid ahaa 9 qof oo cudurka laga helay. Waxaase isagu cudurkaan uu  ku haleelay magaalada Jowhar.

Waa qofkii ugu horeeyay oo masuul maamul ah oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Soomaaliya. Sidoo kale waa bukaanki labaad oo cudurka u dhinta.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.