Somaliland: Tirada Dad Cusub Oo Laga Helay Xanuunka COVID_19

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in saddex Qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cumar Cabdi Cabdillaahi oo Shir-jaraa’id qabtay Goor dhawayd ayaa sheegay in Somaliland laga helay Saddex Qof oo qaba xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Saddexda Qof ee xanuunka laga helay ayaa 2 ka mid ahi ku sugan yihiin Hargeysa, halka ka saddexaadna uu ku sugan yahay Boorama.

Somaliland waxa hore looga helay laba Qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco, saddexdan kalena waxay tirada Dadka uu gudaha Somaliland xanuunku ku soo ritay ka dhigaysaa 5.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka