Dalka 2aad Ee Ugu Dadka Badan Adduunka Oo Soo Rogay Bandoodii Ugu Dheerayd Ee COVID19

New Delhi, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Dalka India Narendra Modi oo maanta khudbad u jeediyey qarankiisa, ayaa ku dhawaaqay xanibaadii ugu mudada dheeray ee lagaga hortagayo Cudurka sida xawiliga ah u faafaya ee Covid19.

Mr Modi waxa uu ku dhawaaqay in xanibaadu ay sii socon doonto ilaa bisha May sadexdeeda, suurtagalna ay tahay mudadaasi laga kordhiyo.

Ugu yaraan todoba gobol oo kala ah dal weynaha India oo ay ka mid yihiin— Maharashtra, Odisha, Punjab, Galbeedka Bengal, Karnataka, Tamil Nadu iyo Telangana — ayaa hore u kordhistay xanibaada ilaa bisha April 30.

Hase yeeshee Khudbada Raysal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa noqonaysa tii saddexaad ee uu qarankiisa u jeediyey sodonkii maalmood gudahood oo ku saabsan cudurka faafaya ee coronavirus, waxaanu 19-kii March uu Raysal Wasaarihu soo dhigay badnoodii maalinta oo dhan ahayd oo ka bilaabmaysay 22 kii March.

Khudbadan saddexaad oo ahayd fariin muuqaal video ah oo laga soo duubay Raysal Wasaaraha ayaa waxa uu ku sheeay in markii ay la tashadeen Maamul goboleedada iyo khubarada, oo dhawr gobolna ay horeba u kordhiyeen xayiraadaha ayaa waxa aanu go’aansanay ilaa bisha May saddexdeeda in guryaha la joogo.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan dadka dalku inay ka hortagaan coronavirus meelkasta oo ay ku sugan yihiin, ayuu yidhi raysal wasaaruhu, isagoo intaa ku daray waa inaynaan ogolaan in tiradu korodho kharash kasta oo ay ku kacayso.

Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee uu dadka badan adduunka oo ku yaala Koonfurta Qaarada Ashiya ayaa laga diiwaangaliyey 10,000 kii oo cudurka COVID19 ah. Halka Tirada uu sahayd eek u dhintayna ay gaadhay 340 qof.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.