Raysal Wasaaraha Somalia Oo Shir Kula Yeeshay Guddida Ka Hortaga COVID-19 Ee Dalkiisa Habka Kulanka Muuqaalka

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan khadka Internet-ka (video conference) kula yeeshay xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, waxaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta.

Kulanka nuucaan ah, oo aan horey looga baran masuuliyiinta dowladda dhexdooda, ayaa keenay shaki ku saabsan warar dhawaanahaan la isla dhexmarayay oo ku saabsan in raysal wasaare Kheyre uu ku jiro xaalad iskarantiilid ah, kadib markii uu la kulmay shaqaale katirsan wasaaradda caafimaadka oo laga helay cudurka Covid19.

Shakigaan waxaa sii xoojinaya, madaxweyne Farmaajo ayaa 12kii bishaan si ka fool fool ah ula kulmay guddigaan, isagoo ka dhegaysanayay warbixin ku saabsanayd xaaladda cudurka iyo dadaalada guddigu uu wado.

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in labo qof oo katirsan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo cudurka laga helay ay la kulmeen raysal wasaaraha, raysal wasaaruhu kama uusan soo muuqan saxaafada kamana qeyb galin kulamadiidii caadiga ah ee dowladda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.