Turkey: Ayeeyo 107 Jir Ah Oo Noqotay Haweenaydii 2aad Ee Ka Kacday Cudurka COVID-19

Istanbul, (HCTV) – Haweenay 107-jir ah oo ka soo jeeda dalka Turkiga ayaa noqotay haweenaydii labaad ee jirta da’daasi ee ka kacda cudurka Covid19.

Havahan Karadeniz ayaa la dhigay cisbitaalka magaalada Istanbul todobaad ka hor kadib markii ay la soo daristay astaamaha cudurka Coronavirus.

Waxaanay ka soo kabatay cudurkaasi iyadoo cusbitaalka laga saaray maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 13-kii bishan April.

Haweenaydan da’da ah ee Havahan ayaa markii hore waxa ku dhacay ama lagu arkay Hargab iyo xumadd waxaanay taasi keentay in Malaga baadho cudurka Coronavirus kadib markii la dhigay Istanbul Education Research Hospital.

Mudo todobaad ah ka dib waxa ay ka soo kabatay fayraska waxaana la arkayey shaqaalaha caafimaadka oo sacabinaya markii cusbitaalka laga saraayey haweenaydaasi oo wiil ay Ayeeyo u tahay uu ku riixayo gaadhiga dadka aan socon Karin.

Waxaanay haweenaydaasi 107 jirka ahi ay sheegtay markii ay cudurkaasi ka soo kabatay inay bogaadinayso oo uu wanaagsan yahay cusbitaalku, bani’aadam wanaagsana ay gacan ka siyeen la tacaalida cudurkaasi, sidaasi Ayaan u sheegayaa qof kasta ayay tidhi Ayeeyo Havahan.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka dalka turkiga Fahrettin Koca ayaa ku dhawaaqay in dalka turkiga ugu geeriyooday cudurka Coronavirus ay gaadhayso 1,296, kladib markii ay ku korodhay 98 qof oo kale.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.