Cisbitaalka Qaaxada Ee Hargeysa Oo Loo Faaruqiyey Dadka Uu Soo Rito Covid_19

Hargeysa (HCTV) – Cisbitaalka guud ee Cudurka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa ayaa loo diyaariyey Dadka uu soo rito Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo arrintan la xidhiidha, balse ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Cisbitaalka laga saaray Dadkii lagaga dawaynayey Cudurka Qaaxada, si loo soo dhigo Dadka uu soo rito Covid_19.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Cisbitaalka laga saaray Bukaano qabay Cudurka Qaaxada oo tiradoodu dhamayd 81 Qof isla-markaana loo diray Guryahooda, inkasta oo taasi lafteedu halis tahay.

Ka sakow 81-ka ee Cisbitaalka laga saaray, waxa Bukaan socod ah oo Daawada si Maalin leh ah uga qaadan jiray Cisbitaalka Dad Tiradooda lagu sheegay dhowr boqol oo Qof, kuwaasi oo aan illaa hadda la ogayn waxa loo qorsheeyay.

Cisbitaalka Qaaxada ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka kooban 6 Waadh, kuwaasi oo dhammaantood hadda loo qorsheeyay in la soo dhigo Dadka uu rito Cudurka Covid_19 oo illaa hadda Somaliland la shaaciyey inuu ku soo ritay 5 Qof.

Xukuumadda ayaa sidan oo kale, Waadhadh ka mid ah Cisbitaalka guud ee Hargeysa ugu diyaarisay Dadka uu ku dhaco Covid_19.

Tallaabooyinka noocan ah ayaa qayb ka ah dedaallada Xukuumaddu doonayso inay kaga hor tago Cudurka aadka u fidaya ee Covid_19.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka