Trump Oo Hakiyey Dhaqaalihii Dalkiisu Siin Jiray Hay’adda Caafimaadka Adduunka

USA (HCTV) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxa uu sheegay in WHO ay ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla-markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

Trump ayaa hore hay’addaasi caafimaadka Adduunka ee WHO ku eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa shakhsiyan gudaha dalkiisa lagu dhaliilay sida uu u maareeyay faafitaanka cudurkani, laakiin wuu ka dhego-adaygay eeddaasi.

“Waxaan farayaa maamulkeyga in uu joojiyo dhaqaalihii uu siin jiray hay’addani, inta dib u eegis lagu sameynayo oo laga qiimaynayo doorka hay’addani caafimaadka adduunka ay ku lahayd sida xun ee loo maareeyay iyo qarinta xaqiiqada faafitaanka coronavirus,” ayuu yidhi Madaxweyne Trump.

Gudaha Maraykanka waxa uu xanuunka Covid_19 ku dhacay dad ka badan 608,377 oo qof halka ay u dhinteen 25,981 oo qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka