Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Cambaaraysay Xadhiga Laba Muwaadin Oo Baraha Bulshada Wax Ku Qoray

Hargeysa, (HCTV) – Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay dawladda Somaliland ugu baaqaysaa inay xorriyadooda u soo celiso Maxamed Abiib Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Maxamed Daahir (oo loo yaqaan Cabdi Duco), kuwaas oo u xidhan qoraallo ay soo dhigeen Facebook ga oo dhaliilay qaabka ay dawladdu uu maaraynayso COVID-19.

14 April 2020, waxa la xidhay Maxamed Abiib Yuusuf oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga talada haya, kadib markii uu dhaliil u jeediyay qaabka ay u qaaday talaabooyinka karantiinka ee ay dawladdu qaaday si ay u xakamayso dadka laga helay COVID-19.

16 April 2020, Booliisku wuxuu sidoo kale xidheen Cabdiraxmaan Maxamed Daahir oo isna soo dhigay qoraal dhaliil ah oo ku saabsan habka ay dawladdu ula tacaalayso COVID-19.

Maxamed iyo Cabdiraxmaan waxa ay caan ku yihiin inay baraha bulshada ka dhaliilaan dawladda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ka walaacsan tahay in dawladdu u isticmaalayso COVID-19 si ay u aamusiiso dadka iyada dhaliila.

Labaduba waxa ay ku xidhan yihiin Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa.

Dawladda Somaliland weli kama hadal xadhigan. Haseyeeshee, ilo ay ku kalsoon tahay ayaa u xaqiijiyay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanu jirin amar garsoore ka soo baxay oo xadhigooda jideeyey.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay walaac ka qabtaa in dawladdu xanibaado ku soo rogtay xorriyadda cabiraadda xiligan lagu jiro COVID-19 oo ay u isticmaalayso cudurkan faafaya inay bartilmaameedsato dadka dawladda dhaliila.

Waxaannu ugu baaqaynaa dawladda inay sii dayso labadan nin ee u xidhan hadal ay ku qoreen baraha bulshada oo ay ogolaato in shacabku xaq u leeyahay inuu dhaliilo talaabooyinka ay dawladda ka qaadayso ama aanay ka qaadin sidii loo xakamayn laha cudurka COVID-19.

Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda hadalk iyo cabiraadda sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka.

Xaruntu waxa ay dawlada ka codsanaysaa inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato araahda kala duwan.

Yasmin Omar Haji Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka