Saddex Qof Oo Ku Dhaawacmay Dagaal Ka Dhacay Fadhigaab Oo Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Ceelafweyn, (HCTV) – Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay tuulada Fadhigaab oo u dhexaysa degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar’adag ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya laba beelood oo dhowaan colaadooda la soo afjaray, waxaanay wararku ay sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen saddex qof sida Maayarka Degmada Gar’Adag Faarax Aadan Ciise, uu u xaqiijiyey Telefishanka HCTV.