27 Milyan Oo Euro Oo Uu Midowga Yurub Ugu Deeqay Soomaalida Oo Laga Qadiyay Somaliland Iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Midowga Yurub ayaa Soomaalida ugu deeqay 27 milyan oo Euro, oo loogu tallo galay la dagaalanka Covid_19.

Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa kulan uu Hargeysa kula yeeshay ururada bulshada oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnayeen, wuxuu ku sheegay in lacagtaas oo uu Midowga Yurub soo marin doono dawladda Soomaaliya ay Midow Yurub ahaan ugu tallo galeen inay Somaliland hesho 10 milyan oo Euro oo ka mid ah, waxaanu ururada ka codsaday inay dabo-gal ku sameeyaan qorshahan Midowga Yurub si ay lacagtaasi u soo gaadho Somaliland.

Hase yeeshee waxa yaab noqday ka dib markii ay toddobaadkan Ururka Midowga Yurub iyo Ergayguba bartooda twitterka ku baahiyeen qorshe ka duwan oo ah in dhaqaalihii dhammaa 27 Milyan ee Euro laga saaray qaybtii Somaliland oo badankiisa la geliyay miisaaniyadda dawladda Soomaaliya iyo horumarinta imkaaniyaadka gobalka Banaadir.

Sida ka muuqata Jaantuuska lagu baahiyay barta twitterka ee xafiiska Midowga Yurub ee Soomaalida qaabilsan 55.6% ka mid ah lacagtaas oo qiyaastii ah 15 million oo Euro, waxa toos loogu taageerayaa miisaaniyadda dawladda Soomaaliya, halka 20.4% milyan oo lacagtaas ka mid ah oo u dhiganta 5.5 milyan Euro loogu tallo galay horumarinta baahiyaha caafimaad ee gobalka Banaadir, iyadoo 24.1% oo u dhiganta 6.5 milyan loogu tallo galay wacyigelinta iyo kaabayaasha caafimaadka ee dhammaan dhulka oo dhan.

Qaybtan dambe ee dhan 24.1% ayaa loogu tallo galay maamul goboleedyada ka tirsan dawladda Soomaaliya oo loo qaybin doono.

Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Midowga Yurub u bedelay qorshihii uu hore u dejistay, meeshana uga saaray qoondadii ay ugu tallo galeen Somaliland. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in dawladda Soomaaliya ay iyadu samaysay qorshahan oo ay ku laashay qorshihii uu Midowga Yurub hore u dejiyay ee uu qaybteeda ku siiyay Somaliland, ka dib markii ay shir dhinaca telefoonka ah yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo xubno ka tirsan saraakiisha Midowga Yurub.

Lama oga in dawladda Somaliland la socoto qorshahan lagu qadiyay Somaliland ee meesha lagaga saaray qaybtii ay Somaliland ka heli lahayd deeqdan. Laakiin xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa Geeska Afrika u sheegay inay walaacooda arrintan la xidhiidha qoraal ahaan ku gaadhsiiyeen ergayga Midowga Yurub oo aanay weli jawaab ka helin.

Wasaaradaha qorshaynta iyo arrimaha dibadda oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay noo suurtogelin.

Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa muddooyinkan dambe aad isugu soo dhawaaday ka dib markii uu diblomaasigani dhexdhexaadiyay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka oo uu dhex dhigay heshiis dejiyay xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay guddiga doorashooyinka qaranka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika