War-bixin Sheegtay In Sucuudigu Uu 184 Qof Dil Ku Fuliyey Sannadkii 2019

Riyaadh (HCTV) – Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sannadkii dhamaaday ee 2019-kii Qisaastay 184 Qof, taasi oo noqonaysa Tiradii ugu badnayd ee Boqortooyadu Dil ku fuliso, sida ay sheegtay Hay’adda u doodda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International.

Iraaqna, sannadkii hore Tirada Dadka Dawladdu dilka Toogashada ah ku fulisay ayaa laba Jibbaarantay, waxayna gaadhay 100 sida Hay’addu sheegtay.

Laakiin, illaa hadda waxa kaalinta labaad ee dilalka Dadka haysata IRAN oo ku xigta Shiinaha, taasi oo sannadkii hore dishay 251 Ruux.

Si Kastaba ha ahaatee, Dunida oo dhan Dilku hoos ayuu u dhacay 5%, Afartii Sannadood ee isku xigay, waxaanu dunida oo dhan marayaa 657 Qof.

Tani waa Tiradii ugu yarayd ee la diwaangeliyey Tobankii sanadood ee u dambeeyay, sida ay sheegayso Amnesty.
Hay’adaha u doodda xuquuqda Aadamaha ayaa aaminsan in Dadka dilka lagu fuliyey ee Shiinuhu noqon karto kumanaan, maaddaama oo Dawladdu wax qariso.

Sidoo kale, Dawladaha IRAN, Waqooyiga Kuuriya iyo Vietnam xog rasmi ah kama bixiyaan Tirada Dadka ku xukuman Dilka Toogashada ah, waxaana Xadidan sida xogta looga heli karo.

Sannadkii 2019-kii, Dawladda Boqortooyada Sucuudigu waxay dil toogasho ku fulisay 178 Rag ah iyo 6 Dumar ah, kala badh Dadkaasi waxay ahaayeen Ajaanib aan u dhalan Sucuudiga.

Dunida oo dhan, 106 dal ayaa joojiyey Ciqaabta dilka ah ee Dadka lagu fuliyo, halka 142 dalna ay Sharcigoodaba ka saareen.

Halkan Hoose ka Eeg Jaantuuska Tirada Dilalka Sannadkii hore la fuliyey/Dalalka fuliyey

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka