Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Oo Sheegay In COVID-19 Uu Yeeshay Saamayn Adag Oo Dhaqaale

Muqdisho, (HCTV) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu sheegay in COVID-19 uu Soomaaliya ku yeeshay saameyn adag oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Wasiir Beyle ayaa waxa uu tilmaamay in dhaqaale badan oo ka imaan jiray dhinaca qurba-joogta  la waayay, taas oo soo mari jirtay dhinaca Xawaaladaha , sababtuna waxa uu ku qeexay in dad fara badan oo waddamada qurbaha kunool ay lumiyeen shaqooyinkii, guryahana ay ku jiraan sababo la xiriira xanuunka COVID-19.

Waxa uu intaa ku daray in canshuurtii dowladda ay qaadi jirtay ay hoos u dhacday afartan boqolkiiba.

Dr Beyle ayaa aaminsan in laga yaabo in dad badan ay saameyn dhaqaale oo adag ay soo wajahdo, kuwaas oo horay ugu tiirsanaa dhaqaalaha dibadda loogasoo diro.

Qiyaastii 1.5 bilyan oo dollar ayaa sanadkii lasoo marsiiyaa xawaaladaha Soomaaliyeed, taas oo ay ku noolyihiin qoysas badan , kana timaada qurba-joogta , aadna uga muhiimsan deeqaha Soomaaliya lagu gargaaro.

Lacagtaasi ayaa waxaa loo adeegsadaa in dadku ay ku bixiyaan lacaga waxbarashada, caafimaadka amma raashiinka qutul-daruuriga ah.

Shirkadaha xawaaladaha dalka ayaa waxa ay tilmaameen in lacagahii ay kasoo xawili jireen Ingiriiska ay hoos u dhaceen boqolkiiba konton , taas oo laga ogaan karo xaddiga hoos u dhaca lacagihii ka imaan jiray qurba-joogta Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliya waxaa horay u saameeyay colaadaha u dhexeeya dowladda iyo Alshabaab, dirirta qabaa’ilka, abaaraha soo noq-noqday daadadka iyo saameynta Ayaxa uu ku hayo deegaanka.

Sidaas darteed dhaqaala yahannadu waxey aaminsanyihiin in in dakhliga dalka uu u dhutin doono saameynta uu Coronavuris uu ku yeeshay. Laakiin sidaasi oo ay tahay waxaa haddana jira rajooyin badan, oo ay dadki leeyihiin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.