Dibed-baxyo Muqdisho Ka Dhacay, Ka Dib Markii Askari Boolis Ahi Dilay 2 Qof

Muqdisho (HCTV) – Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo Dil laba Ruux loogu geystay Muqdisho iyo Bandooda saaran Magaaladaasi.

Dadweynaha Mudaharaadka sameeyayna ayaa taayiro ku gubay Jidadka Magaalada Muqdisho qaarkood, gaar ahaan Jidka Daljirka dahsoon iyo meel kale, iyagoo ka cabanaya Dil Xalay Magaalada loogu geystay Laba Qof, kuwaasi oo dalkooda uu geystay Askari ka tirsan ciidammada Booliska ee Saldhigga Boondheere ee caasimadda Muqdisho.
Labada Qof Muqdisho ku Geeriyooday ee dhimashadoodu dibed-baxa sababtay ayaa waxay kala yihiin, Madiino Cabdillaahi Cabdi 17 jir ahayd iyo Marxuun Xasan Cali Cadaawe 24 jir ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo la hadlay dadka dibad-baxa sameynayay ayaa si gaar ah uga hadlay Bandooga saaran Muqdisho waxaanu yidhi “Arinta xad gudubka ku ah dadka reer Muqdisho ee bandawga la saaray go’aan ayaa ka soo bixi doono idinka ayaa idinku matalaa gobolka Banaadir ee iskama joogno “
Dhanka kale, Taliska Ciidammada Booliska ayaa soo bandhigay Askariga riday Rasaasta ay labada qof ku Geeriyoodeen.

Taliska ayaa Askarigan oo la xidhay Magaciisa ku sheegay Xasan Aadan Xasan, isla-markaana uu ka tirsan yahay Ciidammada Booliska ee degmada Boondheere.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka