Itoobiya: Carruur Ku Dhimatay Roobab Ka Da’ay Magaalada Diridhabe

Diridhabe (HCTV) – Inta la xaqiijiyey 2 Carruur ah ayaa ku dhintay Roob laxaad leh oo Jimcihii Shalay ka da’ay Magaalada Diridhabe ee Dalka Itoobiya.

Roobka oo saacado da’ayey ayaa waxa dhashay Daadad waaweyn, taasina waxay keentay inay dumaan Guryo.

Daadadka ka dhashay Roobkaasi ayaa sababay inuu Magaalada Ku Fataho Dooxa weyn Ashawa, kaasi oo Diridhaba dhex mara, taasina waxay keentay inay Guryo dumaan.

HCTV kala soco wixii ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka