Puntland: Dad U Badan Carruur Oo Ku Geeriyooday Qardho Oo Daadad Ku Soo Rogmadeen Iyo Wararkii U Dambeeyay + Sawirro

Qardho (HCTV) – inta la xaqiijiyey in Dad tiradooda lagu sheegay Toban Qof ayaa ku Geeriyooday Magaalada Qardho ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dadkan oo u badan Carruur ayaa Geeriyooday, ka dib markii Daadad ka dhashay Roobab halkaa ka da’ay ay ku soo rogmadeen Magaalada Qardho, taasina waxay keentay inay qaadaan Dad ka badan 10 isla-markaana u badan Carruur.

Khasaaraha ayaa la saadaalinayaa intuu intan ka bato, maaddaama oo Daadadka Magaalada ku soo rogmaday dhibaato gaadhsiiyeen Guryo tiro ahaan badan.

Dhibaatadan oo Xalay dhacday ayaa waxa socda gurmad la doonayo in lagaga hor-tago dhibaato kale, isla-markaana lagu samato-bixinayo Dadka, waxaana Gurmadkaa ka wada qayb-qaadanaya Maamulka Puntland oo gacan ka helaya Shacabka.

Khasaaraha Daadadka ku soo rogmaday Qardho oo aan weli rasmi ahaan loo diwaangelin, ayaa waxa ku jira Gaadiid ay biyuhu qaateen.

La Soco Wararka ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka