Somaliland: Tirada Dadka Uu Hayo Covid_19 Oo Hoos U Dhacday

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19.

Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka