Xisbiga WADDANI Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caafimaad Ee Weriye Coldoon Oo Hargeysa Ku Xidhan

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Suxufiga Cabdimaalik Muuse Coldoon ay adag tahay, sidaasi darteed loo baahan yahay in Xabsiga laga soo saaro, si uu u helo Gargaar Caafimaad.

Guddoomiyaha Garabka dhallnyarada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga ee Hargeysa, ayaa isagoo ka hadlaya Xaaladda Cabdimaalik Muuse Coldoon oo jeelka dhexe ee Hargeysa ku xidhan muddo sanad ka badan wuxuu yidhi “Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxa soo food-saartay Xaalad Caafimaad oo aad culus, taasi oo u baahan si dhab ah loo eego, helana dhakhtar oo noloshiisa la bedbaadiyo. Qoyska Cabdimaalik waxay noo sheegeen in Cabdimaalik laga qaaday dheecaano oo la eegayo, inta jawaabta dheecaanadaasi maqan tahayna wuxuu u baahan yahay inuu helo Gargaar Caafimaad oo dhab ah. Maxbuusku wuxuu xaq u leeyahay in la daryeelo Caafimaadkiisa, noloshiisa, inta uu Xabsigaa ku jirana aanay ku dhicin Caafimaad-darro dayac ahi.”

Guddoomiye Dhamme waxa kale oo uu sheegay “Xaaladda Caafimaad ee Cabdimaalik waa mid aad u culus, Qoyskuna waxay noo sheegeen inay ku adag tahay neefshadu, inuu hayo Qufac badani, Xanuunkiisuna u baahan yahay in dhakhtarka wax lagaga qabto, Xabsigana laga soo saaro, Cisbitaal uu helo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka