Irrfan Khan Oo Ahaa Jilaa Adduunka Caan Ka Ah Oo Ku Geeriyhooday Hindiya

Mumbai, (HCTV) – Irrfan Khan, oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan uguna ixtiraam badan filimada Hindi, ayaa ku dhintay magaalada Mumbai maanta isagoo da’diisu tahay 53 jir ah.

Jilaagan ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaal magaalada Mumbai oo la yidhaa Kokilaben Dhirubhai Ambani sababo la xidhiidha caabuq ku dhaca xiidmaka caloosha.

Jilaaga ayaa xanuunka xiidmaha ku dhaca la noolaa mudo dheer tan iyo markii laga helay burada loo yaqaano ‘neuroendocrine tumor’ sanadkii 2018, waxaana xaaladiisa caafimaad loola socday mar kasta si dhaw.

Hase yeeshee wax yar ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida jilaaga cisbitaal, ayaa si way u dhex xulay ama ugu wareegay qayb ka mid ah warbaahinta oo sheegay in jilaaga uu dhintay.

Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Nerendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku yidhi “Geerida Irrfan Khan waa dhabar-jab weyn oo soo foodsaartay sheneemooyinka iyo tiyaatarada,” ayuu bartiisa twitterka ku soo qoray Raysal Wasaare Modi.
Kareena Kapoor Khan oo la shaqeysay Aktarka filimkeedii ugu dambeeyay ee ‘Angrezi Medium’ ayaa sheegtay inay sharaf weyn u tahay inay la soo shaqayso Irrfan Khan.

Halka Actarada caanka ah ee Priyanka Chopra Jonas, oo iyaduna la shaqaysay Irrfan filimkeedii 7 Khoon Maaf ayaa Twitterka ku wada wadaagtay sawir Aktarka geeriyooday ee Irrfan Khan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.