Tirada Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee UK Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid_19 Oo Gaadhay 40 Ruux

Hargeysa (HCTV) – Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda  Somaliland  ee dalka UK ugu geeriyooday xanuunka Covid_19, ayaa gaadhaysa 40 ruux.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye, oo sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday dalka boqortooyada Ingiriiska.

Cabdi Cabdillaahi Diiriye, Safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriisku wuxuu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku filiqsanaa Gobollada dalka UK.

“Dadka uu (Covid_19 ku dilay Ingiriiska) Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland illaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay illaa 40 ayay gaadhaysaa, illaa 40 Qof oo dhallinyaro ku jirto, waayeel ku jiro ayaa illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay oo la soo ururriyey.” Ayuu yidhi, Wakiilka Somaliland u jooga UK oo u warramay Telefiishanka Qaranka oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.”

Safiirka oo la waydiiyey inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid_19, maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska Dadka u dhinta Xanuunkaasi, ayaa ku jawaabay “Waanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, Waayo? London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry intaasi oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aanu la hadli karaynay ee aanu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka