Wasaaradda Caafimaadku Maxay Ka Tidhi Xaaladda Caafimaad-darro Ee Weriye Coldoon ?

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Xaalad Caafimaad-darro oo Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku haysata Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in gabi ahaanba Xabsiyada Somaliland aanay ka jirin Xaalad Caafimaad-darro oo la xidhiidha Xanuunka Dunida ku faafay ee Covid_19.

“Wax xanuun ah oo la xidhiidha Xanuunka Dunida xilligan ka jiraa oo Xabsiyadeena ka jira oo aanu ka war haynaa ma jirto…” ayuu yidhi

Agaasimaha oo Weriyeyaashu waydiiyeen wuxuu kala socdo Xaaladda Caafimaad ee Weriye Coldoon ayaa ku jawaabay “Ninkaa Weriyaha ah, waxa la noo sheegay in Xaalad Caafimaad-darro jirto, wuxuu leeyahay Calaamado neef mareenka ah, laakiin Calaamadaha neef mareenku ma wada noqon karaan Covid_19, intaas oo Caalamadood oo neef-mareenka ah ayaa jira, waxa keeni karta Oof.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Kooxdii Caafimaad ee aanu u dirnay waxay ka soo qaadeen (Dheecaano), Shaybaadhkii lagu sameeyayna wax dhibaato ah oo lagu arkay ma jirto, gargaarkii ugu horreeyayna waa loo sameeyay.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka