Xukuumadda Oo Ka Noqotay Heshiis Laba Muwaadin 30 Sano Lagaga Kireeyay Huteel Ku Yaalla Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay.

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay.

Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah

Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah.

Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag.

Warqad ka soo baxday Wasiirka Hawlaha guud oo nuqul ka mid ah uu HCTV helay ayaa lagu caddeeyay in Xukuumaddu la wareegtay Huteelka Hargeysa Club.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka