Cumar Filish Oo Sheegay In 500 Qof Ay Muqdisho Ku Dhinteen 12-Kii Maalmood Ee U Dambeeyay

Muqdisho (HCTV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in 12-kii Maalmood ee u dambeeyay ay Muqdisho ku Geeryoodeen Dad tiradoodu gaadhayso 500.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay illaa bishii hore diwaangelinayeen Dadka ku Geeriyooda Magaalada Muqdisho, sidaasi darteedna ay diwaangelintaa ku ogaadeen in Maalinba ay Muqdisho ku dhintaan Dad gaadhaya tirada u dhaxaysa 20 illaa 50.

“Xafiiska Raysal-wasaare Khayre ayaa na faray inaan baadhis ku samayno dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, tira-koobka waxaan biloownay 19-kii bishii hore, waxaan maalin walba gudbinaa tirada dadka dhinta, tiradii ugu yareeyd waxay ahayd 22 qof, tiradii ugu badneeyd oo aan u gudbinay xafiiska Raysal-Wasaaraha waxaay ahayd 49 qof. Tirada guud waxay noqoneeysaa 500 oo qof” ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in Qof kasta oo ku Geerida Dalka ay u diwaangelin doonto inuu u dhintay Covid_19 oo ku faafay deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka