Kim John Un Oo Dhoolacadaynaya Oo Fagaare Ka Soo Muuqday Todobaado Ka Dib

Pyongyang, (HCTV) – Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa markii ugu horaysay lagu arkay jimcihii shalay goob fagaare ah oo uu ka soo muuqday kadib mudo 20 maalmood ah, oo ay soo baxayeen warar ka hadlaya in xaaladd caafimaad ay haysato hoggaamiyahaasi.

Wakaalada Wararka ee The Korean Central News Agency (KCNA) ayaa ku warantay in Mr Kim uu ka qaybgalay munaasibad lagu soo xidhayey dhamaystirka warshad Bacarimin ah oo ku taala Suncheon, oo ku dhaw caasimada dalkaasi ee Pyongyang, waxaana goobka ku sugnaa saraakiil sarsare oo ay ku jirto gabadha ay walaalaha yihiin ee Kim Yo Jong.

Wakaalada Wararka ee KCNA ayaa sheegtay in Kim uu xadhiga ka jaray munaasibadaasi Jimcihii,  waxaanay dhamaan dadka ka qaybgalay munaasibadu ay “ku diirsadeen farxadda guusha iyo in hoggaamiyaha Sare ee ku hago ama amar ku siiyo shacabka inay socodsiiyaan guushii weyn ee barwaaqada. ”

Waxaana muuqaalada laga soo qaaday munaasibadaasi lagu arkay sawirro muujinaya Kim oo dhoolacadaynaya oo la hadlaya agaasimayaasha xafladda xarig jarista iyo sidoo kale booqashada dhismayaasha warshada.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.