Lix Ka Mid Ah Ciidamada Maleeshiyada Hashd al-Shaabi Oo Ciraaq Lagu Dilay

Salahuddin, (HCTV) – Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada maleeshiyada Hashd al-Shaabi ayaa lagu soo waramayaa in la dilay.

Weerarka lagu dilay lixdan xubnood ee ka midka ah ciidamada Hashd al-Shaabi ayaa waxa qaaday kooxda la baxday Dawladda Islaamka, waxaanu ka dhacay gobolka Salahuddin ee dalka ciraaq.

Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ciraaq maanta oo Sabti ah, ayaa sheegaya in isku dhac uu dhex maray Ciidamada maleeshiyadan taabacsan dawlada iyo kooxda dawladda Islaamka ee ISIL oo ku dagaalamay dhawr furimood oo ku yaala magaalada Mekeeshfa.

Gobolka weerarkani uu ka dhacay ayaa waqooyi kaga began caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad, waana meel ay aad ugu xoogan yihiin weerarada ISIL taan iyo kooxo xubaysani ay jabiyeen dabayaaqadii December 2017.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.