Maamul Goboleedka Puntland Oo 12 Qof Oo Cusub Ka Helay Covid 19

Garoowe, (HCTV) – Wasiirka caafimaadka maamul goboleedka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa xaqiijiyey inay korortay tirada dadka laga helay cudurka Covid19, kaas oo cadeeyay in la baadhay 20 qof oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah.

Xanuunkan laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay, ayaa dadka laga helay xanuunkan ayay da’doodu u dhaxaysaa 15jir ilaa 65jir.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23ruux, uuna hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka.

Puntland ayaa maalmihii uu dambeeyay uu hakad ku jiray arimaha baaritaanka cudurka Covid19, iyadoo maamulku ku mashquulsanaa gurmadka Qardho.

Dhinaca kale, muwaadiniin Ethiopian ah oo ka tagay magaaladda Bosaso ayaa markii ay ku laabteen dalkooda laga helay cudurka Covid19, waxaana taasi ay sababtay in Ethiopia ay adkaysay in loogasoo gudbo xadkeeda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.