Madaxweyne Biixi Oo Ficil Kaga Jawaabay Warar Laga Faafiyey Caafimaadkiisa

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Ficil kaga jawaabay Warar laga faafiyey Caafimaadkiisa.

Labadii Maalmood ee u dambeeyay waxa Bulshada aad ugu faafaya in Madaxweynaha Xaaladdiisa Caafimaad aanay wanaagsanayn isla-markaana uu ku dhuftay Xanuunka Faaliggu.

Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Gelinkii hore ee Maanta booqday Xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaanu Karamadaha Warbaahinta ka soo muuqday isagoo ku lebisan Khamiis Cad oo ay wada lugaynayaan Wasiirro ka mid ah Xukuumaddiisa, sida Wasiirka Caafimaadka.

Madaxweynaha oo Dadka Muuqaallada Faalleeyaa sheegayaan in Socodkiisu jawaab u yahay Wararka laga faafiyey Caafimaadka isla-markaana Bulshada isugu muujinayo inuu Caafimaad qabo, ayaa hadal ka jeediyey Shir-saxaafadeed uu ku qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu kaga hadlay Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19 iyo Arrimo kale oo khuseeya Dalka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu xadhigga ka jaray Mishiin Hay’adda WHO ugu deeqday Somaliland, kaasi oo loogu talo-galay in lagu baadho Dheecaannada Dadka looga shakiyo Covid_19 iyo kuwa kaleba, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay la rakibayey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka